Bandhiggii buugaagta Garoowe ee socday intii u dhaxaysay 23, 24 iyo 25 bisha Luulyo 2019-ka ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, iyada oo xiritaanka bandhiggaasi ay ka soo qeyb-galeen Wasiirro ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland, Siyaasiyiin caan ah iyo Madax matalaysay ehelada Afka, Dhaqanka, Qoraalka iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed.
Hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen Wasiirradii ka socday Puntland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida quruxda badan ee bandhiggaasi uu ku soo dhamaaday, waxaana ay u mahad celiyeen aqoonyahankii ka soo qayb-gelay carwadaasi ee waqtigooda soo geliyay, iyaga oo kula dar-daarmay qorayaasha Soomaaliyeed inay Rajo u abuuraan ummaddooda, isla markaan ay ka digtoonaadaan faafinta wax kasta oo Niyad jabin kara dadkooda.
Ka hor intii aaney xirmin madashaasi ayaa Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) prof. Maxamed Daahir Afrax waxa uu ka soo jeediyay muxaadaro aad u xiiso badan, muxaadaradaasi oo aad u soo jiidatay ka qeyb-galayaashiii carwadaasi ayaa halku dhigeedu waxa uu ahaa “Ka Hortagga Marin Habowga Magac-Bixinta Ereyga Qoran”
Sidoo kale Prof. Mustafe Cabdullaahi Feyruus oo ka mid ah madaxda Akadeemiyada AGA aya isna carwadaasi ku soo bandhiggay buuggiisa “Taariikh Nololeedkii Iyo Dhaxal-Cilmiyeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali ”
Gunnaanadkii bandhiggaasi ayaa guud ahaan ka qeyb-galayaashii carwadaasi waxa ay isugu hambalyeeyeen sidii sharafta badneyd oo ay ugu soo idlaatay carwadaasi.














