Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qaybgaleen mas`uuliyiin kala duwan, laguna gorfaynayay buugga Jidka Nolosha, ee uu qoray qoraa Cali Daa`uud Nuuriye ayaa 4/1/2024, waxaa lagu qabtay Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).
Agaasimaha waaxda waxbarashada ee Akademiyada AGA bare Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) oo kulanka furay ayaa ka soo qaybgalayaasha gorfaynta buugga Jidka Nolasha ku soo dhoweeyay Akademiyada, waxaana uu ka sheekeeyay hawlaha ay xarunta qabato iyo waxay u taagantahay, isagoona ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa oo ay xaruntu soo martay iyo horumarradii ay ku tallaabsatay muddadii koobnayd oo ay jirtay.
Sidoo kale, ustaadka ayaa qoraaga buugga ku dhiirrigeliyay dadaalkiisa iyo sida loogu baahanyahay in qof walba uu qoro waayihiisa nololeed, duruufihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo sida uu uga baxay, si wax looga barto, dadkuna ay cashar ugu noqoto.
Kulanka gorfaynta buugga Jidka Nolasha, waxaa sidoo kale ka hadlay madax kala duwan oo ka mid yahay agaasimaha Matxafka Qaranka Dr. Cusmaan Geeddow Caamir oo ku dheeraaday buugga Jidka Nolosha ee uu qoray Cali Daa`uud Nuuriye, waxaana uu ka warramay sida wanaagsan ee uu qoraaga isugu xiray dhacdooyinka buugga lagu soo aruurshay oo qoraaga si gaar ah u taabanayay, isaga oo qoraagana ku ammaanay inuusan is dhigan, balse han sare iyo dadaal uu ugu dambayntii ka guul gaaray, loona baahanyahay in qof walbaa uu Cali iyo buuggiisa cashar ka bartaa.
Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maxamed-Deeq Cabdi Madar (Haldhaa) oo isagana kulanka buugga Jidka Nolasha lagu gorfaynayay ka hadlay ayaa ka sheekeeyay nuxurka iyo macnaha buugga ku duugan, isagoo qoraaga ugu hambalyeeyay buuggiisa curadka ah, kuna dhiirrigeliyay inuusan qalinka ka caajisin oo uu halkiisa ka sii ambaqaado.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Hawlwadaag Drs Maryan Cabdullaahi Hilowle oo iyana kulanka buugga lagu gorfaynayay ka hadashay ayaa ku dheeraatay qiimaha buugga uu leeyahay iyo siday isugu egyihiin noloshii ay yaraannimadeeda ku soo kortay, duruufihii adkaa oo ay soo martay iyo sida ay nolasha uga guul gaartay.
Drs Maryan Cabdullaahi Hilowle ayaa ugu dambayntii waxay qoraaga ugu hambalyaysay qoridda buugan qiimaha badan, iyadoo bulshada ku boorrisay inay buugga iibsadan oo ay akhriyan si cashar wanaagsan ay uga bartaan.
Guddoomiyaha Maktabadda Muqdisho Cabdikariin Maxamed Garruun oo ka mid ahaa dadka buugga soo akhriyayayaa isna ka hadlay sooyaalka qiimaha badan ee uu buugga kaga hadlay qoraa Cali nolashiisa, korriinshihiisa, ilaa uu nolasha magac wanaagsan ka sameeyay, horumar weynna uu waxbarashada ka gaaray.
Waxaa iyagana hadallo kooban halkaa ka jeediyay Dr. Cali Cumar Abati oo ka mid ah bahda qalinlayda Somali Pen laanta Muqdisho iyo Axmed Xuseen Axmed oo ah guddoomiyaha Naadiga Akhriska Gubadleey oo iyagana qoraaga bogaadiyay isla markaana qiray sida buugaagta noocan oo kale ah loogu baahanyahay.
Ugu dambayn, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay qoraaga buugga Cali Daa`uud Nuuriye oo mahadcelin kaddib ka sheekeeyay sababtii ku dhalisay in buuggan uu qoro.
“Jidka Nolosha waa buug aan ku soo uruurshay waayahaygii nololeed iyo duruufihii kala duwanaa oo aan ku soo koray, sida nolosha ay xilliyo iyo marxalado adag ii soo marsiisay, ilaa aan reerka ka soo tago oo aan shaqo raadsado, si naftayda iyo tan waalidkaygaba aan wax u taro, haseyeeshee sidii aan filayay iyo rajo walba aan lahaa aan waayay, ilaa markii dambe nolashaydii ay dhaafi wayday inaan reer u shaqeeyo ilaa ugu dambayn aan Jarmalka tago oo anigoo weyn aan waxbarasho billaabo ilaa aan ka guulaysto” ayuu yiri qoraa Cali Daa`uud Nuuriye oo buugga iyo soddonka dhacdo ee lagu soo aruurshay si fiican ugu dheeraaday.
Gorfaynta buugga Jidka Nolosha ayaa si wanaagsan ku soo dhammaaday, iyadoo gabagabadii uu qoraaga u saxiixay ka soo qaybgalayaashii buugga iibsaday.