Bandhigga buuggaagta Muqdisho oo 15-kii Agoosto 2018 si rasmi ah uga bilowday caasimadda Soomaaliya ayaa maanta galaya maalintii seddexaad ee uu ka socdo magaalada Muqdisho.
Buuggaag aad u qiimo badan oo ay soo saareen qorayaal caan ah ayaa ka soo muuqday bandhigaas, buuggaagta cusub ee carwadaas lagu soo bandhigay ee aad loo jecleystay ayaa waxaa ka mid ah buugga la yiraahdo Haldoor oo ka sheekeeynayo Taariikh-noloeedkii iyo Dhaxal-cilmiyeedkii Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali oo ahaa “Guddoomiyihii Guddiga Qorida Af-Soomaaliga”.
Haldoor oo ah buug waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed ayaa qeyb waxa uu ka yahay “Taxanaha Darsida Afka iyo Suugaanta Soomaalida”, waxaana soo saarey Akadeemiye-Goboleedka AfSomaaliga (AGA).
Boqollaal ka tirsan aqoonyahanadii iyo waxgaradkii soo booqday carwadaas ayaa aad u soo dhaweeyay inay arkaan buugga Haldoor, iyagoo ku bogaadiyay Akadeemiyada Aga soo saarista buuggaas.