Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo ah maktabad loogu talaggalay akhriska, daalacashada kutubta iyo martigalinta aqoonyahannada doonaya inay cilmibaaris sameeyaan ayaa 23/9/2024, waxaa loogu deeqay buug aad u qiimo badan oo ka hadlayo ereybixinta teknolajiyada af Soomaaliga.
Buugaas oo la yiraahdo Bog-dhigga Erayada Teknolojiyada ayaa waxaa qoray, islamarkaana Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ugu deeqay Prof. Nuur Diiriye Fuursade, waxaana ka guddoomay lataliyaha sare ee guddoomiyaha Akademiyada Prof. Mustaf Cabdullaahi Fayruus.
Prof. Fuursade oo wareejinta buugaasi kaddib, halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu ku yimid xaruunta AGA iyo sida wacan ee loogu soo dhaweeyay maktabadda Akademiyada, isagoo si kooban uga hadlay nuxurka iyo macluumaadka uu xambaarsanyahay buugiisa.
Lataliyaha sare ee guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Prof. Mustaf C/llaahi Fayruus oo isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay AGA inay tahay xarun cilmiyeed loogu talaggalay noolaynta iyo horumarinta af Soomaaliga, isagoo caddeeyay inuu Prof. Nuur Diiriye uu uga mahadnaqayo buugga uu ugu deeqay maktabadda Akademiyada.
Buugaaas oo ah buug cilmiyeed ayaa wuxuu xambaarsanyahay aqoon la xiriirta dhinaca teknolajiyada, waxaana dhawaan lagu soo bandhigay shirkii ereybixinta teknolajiyada af Soomaaliga ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.