Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay daahfrurka buugga “RAADKAYGII”  ee uu qoray Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, siyaasiyiin, maamulka G/Banaadir, madax dhaqameed, maskax-maal, abwaaanno, qorayaal, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale, ayaa xalay oo ku beegneyd 19/5/2025, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madax isugu jirtay Wasiirro, Xildhibaanno, siyaasiyiin, guddoomiyayaal, madax dhaqan iyo aqoonyabahanno  oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qaybgalka daahfurka buugga Raadkaygii, waxayna caddeeyeen inuu buugaasi waxtar badan u yeelan doono bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilalka cusub ee Soomaaliya, iyagoo uga mahadnaqay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya soo saarista buugaasi qiimaha badan.

Intaas kadib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna qoraaga buugga Raadkaygii Prof. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay inuu ku faraxsan yahay sida mugga weyn ee looga soo qaybgalay daafurka buugiisa, waxaana uu u mahadceliyay dhammaan dadkii ka soo qeybgalay munaasabaddii lagu sharfayay bandhigga buugiisa.

 Ra’iisulwasaare hore Prof. Cali Maxamed Geeddi, wuxuu iftiimiyay inuu buugiisa ku saabsan yahay sooyaalka burburkii Soomaaliya iyo soo kabashadeedii, ayna ku jiraan xogo badan oo ay muhiim tahay in la ogaado, isagoo ugu dambayntii kula dardaarmay dhallinyarada inay buugga akhriyaan, si ay wax badan uga ogaadaan dowladnimadan Soomaaliya iyo dhib u dhisdkeeda.

Baalfurk buugga Raadkaygii ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sare iyo bulshadii ugu badnayd ee abid ka qaybgasha bandhig buug oo lagu qabto magaalada Muqdisho.