Dhammaan waxgaradka Soomaaaliyeed ee akhriska jecel waxaa loogu bishaaraynayaa inuu soo baxay buug cusub oo aad u qiima badan magaciisuna yahay:
نافذة على الابداع في منطقة خليج عدن: دراسات فى الثقافة والفن .فى الصومال واليمن و جيبوتى

Buuggan oo ah buug-cilmiyeed ku saabsan dhaqanka, afka iyo hal-abuurka fan iyo suugaaneed ee dalalka dariska ah ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Yaman, waxaa ku farayaraystay oo Af-Carabi ku qoray qoraaga weyn Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Daah-furka buuggan ayaa waxaa loogu tala-galay xaflad weyn oo ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe, waxaana ka faalloon doona qorayaal iyo aqoon-yahanno waaweyn.
Taariikh: 27 Oktoobar 2020, saacadda: 06:00 PM (Maqribnimo) Hoolka weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika, Garoowe.

Munasabaddaas qiimaha badan ayaa waxaa lagu casuumayaa intii soo gaari karta, ka soo qayb-gal wacan, inta kalena akhris xiisa leh ayaan u rajaynaynaa.

Ha moogaan