Buug la magacbaxay “NEVER WITHOUT DJIBOUT”I (Hiil & Hagarbax), ayna qortay Nimco Xuseen Cismaan ayaa habeenkii ay taariikhdu aheyd 27/6/2024, waxaa lagu soo bandhigay hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii loogu talaggalay daahfurka buugaasi oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, guddoonka rugta ganacsiga, madax ka socotay safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, aqoonyahanno, qorayaal, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka iyo marti sharaf aad u badan.
Ugu horeyn, waxaa munaasabadaasi ka hadashay qoraha buugga oo soo dhaweyn kaddib, sheegtay in buugga NEVER WITHOUT DJIBOUTI (Hiil & Hagarbax), uu yahay buug si ballaaran uga hadlayo xiriirka dhalyo, dhaqan iyo dhul-wadaag ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti”.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo isna ka hadlay bandhigga buugaasi ayaa caddeeyay inay dawladda Jabuuti ay abaal badan u gashay Soomaaliya, isagoo dhanka kalana bogaadiyay Nimco Xuseen Cismaan oo ah qoraaga buugga NEVER WITHOUT DJIBOUTI .
Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin iyo qorayaal kala duwan, kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qaybgalka bandhigga buugaasi, iyagoo u mahadceliyay qoraha buugaasi.
Qoraa Nimco Xuseen Cismaan oo ah qoraaga buugga ayaa gabagabadii munaasabadaasi, waxay qaar ka mid ah dadkii iibsaday buugaasi u saxiixday buugga ay qortay.