Buug Cusub: نافذة على الثقافة في منطقة خليج عدن: دراسات عن الثقافة والفن في الصومال وجيبوتي واليمن (Milicsiga Hal-abuurka Mandiqada Gacanka Cadan) Qoraaga Dr Maxamed Daahir Afrax)
Ka dib sannaddo badan oo uu Dr Maxamed Afrax hawlo suugaaneed oo waaweyn dhabarka u ritay waxa uu markan soo gebagebeeyay buuggiisii “Milicsiga hal-abuurka mandiqada gacanka Cadan. Daaraasadaha dhaqanka iyo suugaanta ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Yeman.” Waa ciwaanka aad ku arki doontaan jeldiga buugga.
Lixda cutub ee uu buuggu ka kooban yahay: Cutubka Koowaad: Iftiiminta sheeko dhaqameedka bulshada Soomaaliyeed Cutubka Labaad: Dhaqanka wadaniyadda ee marxaladdii koboca. Cutubka Saddexaad: Afka Soomaaliga iyo casharadii laga dheegtay qoraalkiisa. Cutubka Afraad: Tijaabadii masraxa Soomaaliya. Cutubka Shanaad: Daarasaddo gorfayn ah. Cutubka Lixaad: Qormooyin la xidhiidha buugga.
170 bog oo xaashi dhexe ah ayuu ka kooban yahay buuggu. Qaybo badan oo laamaha suugaanta ku aroora ayaa uu soo koobayaa, isla markaana ah midhaha bisil iyo miidda uu Dr afrax ka tuujiyay khibraddiisii intii uu ku dhex jiray suugaanta. Taas oo la odhan karo waa sababta buuggan ka dhigaysa midka ugu wanaagsan ee laga qoray dhaqanka bulshada Soomaaliyeed iyada oo weliba sii xoojinaysa xidhiidhka adag ee ka dhaxeeya soo noolaynta dhaqanka Soomaaliga ah ee lagu ilaaway badaha mad-madow, isla markaana ganafka ku dhufanaya dhaqamada kale ee duullaanka ah.
Haddaba, shirkad Hiil press waxa maamuus u ah inay iyadu dhabarka u ridato daabacaadda buuggan si ay ilayskiisa ugu baahiso qalbiyada dabacsan ee aqoonta jecel.