Buug aad u qiima badan oo ka hadlayo “Soomaaliya iyo Dawladnimada”, ayna qortay hormuudkii hore ee kulliyadda Sharciga ee jaamacadda Ummadda, haatan ah Lataliyaha Wasiirka Waxbarashada ee dhanka horumarinta jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Drs. Maryan Yuusuf Shiikh Cali ayaa 26/11/2025, waxaa daahfur ballaaran loogu sameyn doonaa xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Qoraha buugga Prof. Drs. Maryan Yuusuf Shiikh Cali ayaa buuggeeda waxay diiradda ku saartay dawladnimada Soomaaliya iyo waxyaabaha ummadda ka dhaxeeya sida Calanka, Dastuurka, Astaanka Qaranka iwm, sidoo kale buugga Soomaaliya iyo Dawladnimada, ayaa waxa uu ka hadlayaa arrimo kale oo la xiriira dhinacyada nabadda, dib u heshiisiinta, dawlad wanaagga, garsoorka, xuquuqul insaanka iyo dhacdooyin kale oo xiiso leh.

Laba maalin kaddib ayaa buugaas dhaxalgalka ah, lagu soo bandhigi doonaa xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qaybgali doonaan madax kala duwan, aqoonyahanno, qorayaal iyo marti sharaf aad u badan oo lagu casuumay bandhigaas.