Ardayga dhammeeyay dugsiga sare, muddo laba iyo toban sanno ah ayaa loo soo dhigayay maaddada AfSoomaaliga, haddana afkiisa hooyo kuma qori karo laba sadar oo sax ah oo aan lahayn khalad culus!! Khaladaad aan la qaadan karin ayaad ku arkaysaa qoraallada ay diyaariyaan xirfadleyaasha ku shaqeeya Af-Soomaaligu.

Qoraalka ka sokow, waa iska caadi inaan aragno qof magac iyo maamuusba leh, aqoonna lagu og yahay, oo marka uu fagaare ka khudbaynayo ay ku adag tahay akhrinta khudbad ku qoran afkiisa hooyo. Haddaba, qofkan sida buuxda ugu hadla una fahma afkiisa hooyo, waxna bartay ee ka baxay dugsiga sare, maxaa xagaldaacinaya kartidiisa  qoraalka iyo akhriska Af-Soomaaliga?

Sannadkii 2014, Akadeemiya-Goboleedka AfSoomaaligu waxay koox xeeldheerayaal Af Soomaaliga ah u xilsaartay inay sahamin ku soo sameeyaan xaaladda adeegsiga Af-Soomaaliga ee dhinacyada tacliinta iyo warbaahinta, ee dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya. Sahmintan qayb ayaan ka ahaa, hawshayduna ahayd dhanka Soomaaliya, waxay igu baraarujisay jawaabtii su`aasha aan kor ku soo xusnay! Akhristoow, xusuusnow kama hadlayno luqadda ama afka ay ku baxaan maaddooyinka kala duwan ama ‘medium of instruction’, ee waxaan ka hadlaynaa maaddada Af-Soomaaliga ee luqad ahaan loogu dhigo ardayga.

Sahamintaasi waxay ka sii maragfurtay, horena aan u ogayn, in Af-Soomaaligu yahay maaddo lagu dhigto heerarka dugsiyada hoose, dhexe iyo sare intaba. Dugsiyada hoose/dhexe, waxaa la dhigaa 2-4 xiisadood, dugsiga sarena 1-2 xiisadood toddobaadkiiba.Tirada guud ee xiisadaha dugsiyada hoose/dhexe waa 30 xiisadood toddobaadkii, dugsiga sarena  waa 30-35 xiisadood. Haddaba, muxuu u liitaa  qoraalka iyo akhriska AfSoomaaliga ee ardaygani? Xaggee ayuu biyodays ka leeyahay dadaalkani?

Cilmibaaristu waxay tilmaantay in biyodays ka jiro dhinacyada manhajka, agabka waxbarashada ee la adeegsanayo, iyo macallinka maaddada dhiga. Qodobbadan aan si kooban isu dul taagno.

  1. Hannaan-abbaarid dheellisan Sababta koowaad, uguna darani waa hannaanka loo abbaarayo maadadan oo dheellisan kalana dhantaalan.Waayo, waxaa loo qaatay in maaddada AfSoomaaliga ujeeddada laga leeyahay ay tahay in ardayga la baro ‘suugaan’, lana xafidsiiyo gabayo. Tani waxay ka muuqataa manhajka iyo muqararka maadadan, waxaa kale oo ay ka muuqataa sida loo soo xulo macallinka dhigaya, waxaa kale oo ay ka muuqataa casharrada uu macallinku mudnaanta siiyo. Muqararka Af-Soomaaliga waxaa ku badan suugaanta, siiba tixda, waxaana ku yar xirfadaha afka iyo adeegsigiisa, sida curinta, habka iyo xeerarka qoraalka iyo xeerarka naxwaha. Dhaliishani waa mid la bilaabatay manhajkii ugu horreeyay ee la diyaariyay bartamihii 1970aadkii.

Waa lagu baraarugay dhaliishan manhajka maaddada ku jirta, waxaana bilowday in wax laga qabto, sida ka muuqata horumarintii lagu sameeyay manhajka maaddadan ee dugsiyada aasaasiga ee UNESCO iyo UNICEF diyaariyeen 2001 iyo 2005, iyo manhajka dugsiga sare ee wasaaradda waxbarashadu diyaarisay 2014. Weli dhaliishan manhajka way ku jirtaa, wax ku filanna lagama qaban, in lagu baraarugayse waa sad. Waxaa xusid mudan, barashada afka [language] iyo barashada suugaantiisu [literature] waa laba cilmi oo mataano ah kalase duwan, bariddoodudana waxay leedahay habab iyo xirfado kala duwan.

Sidoo kale, baahida loo qabo barashadoodu way kala badan tahay. Ardayga loo dhigayo afkiisii hooyo, waa in laga dhisaa labada xirfadood ee akhriska iyo qoraalka, lana kobciyaa kartidiisa curinta qoraalka toolmoon. Labada xirfadood ee kale, dhegaysiga iyo hadalka, wuxuu ka kasbaday hadal maalmeedkiisa. Yaan khalad loo fahmin, ujeedkeennu maaha in tix iyo gabayo aan ardayga loo dhigin.

Tixdu waa inay saami kooban ku leedahay muqararka, qaybaha kalena waa inay saamigooda leeyihiin; guud ahaanna waa inay ku jaango`an yihiin baahida ardayga iyo sidii loo kobcin lahaa aqoontiisa iyo xirfaddiisa afeed.  Isku soo duuboo manhajku ma buuxinayo baahida ardaygu u qabo in sare loo qaado xirfaddiisa qoraalka iyo akhrinta, macallinkuna aalaaba mudnaanteeda ma siiyo. Sidaas darteed, muddadaa dheer ee ardaygan loo soo dhigayay maaddada Af-Soomaaligu ma dhalin inuu karti buuxda u yeesho akhriska,  curinta iyo diyaarinta qoraal toolmoon oo habaysan.

2-Macallin takhasus iyo xirfadba dhiman Sababta labaad waa macallinka Af-Soomaaliga, oo ay caado noqotay inuu maadadan dhigo macallin aan takhasus ahaan iyo xirfad ahaan midna loo soo diyaarinin. Waa lamahuraan in macallinka, aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba, la sii diyaariyo intaanu shaqada bilaabin, intuu shaqaynaya uu helo tababarro kor loogu sii qaadayo xirfaddiisa iyo aqoontiisaba. Labadaas midkoodna ma helo macallinka Af-Soomaaligu. Ma jiraan hay`ado waxbarasho oo takhasus ahaan soo diyaariya macallinka Af-Soomaaliga shaqada ka hor, ha noqoto dhanka takhasus cilmiyeed ama tababar xirfadeed. Sidaas darteed, Af-Soomaaliga waxaa dhiga macallin aan loo soo diyaarinin.

Macallimiinta sahmintii 2015 aan ku maray, waxaa cilmi ahaan ugu dhowaa maaddadan macallinka ku soo takhasusay Afka Ingiriisiga, iyaguna waxay ahaayeen 10% keliya ee tirada macallimiinta ay sahamintu koobtay. Kuwa kale waxay ku soo takhasuseen fiisigis, xisaab, dhaqaalaha (economics), maamulka ganacsiga (bussiness adminstration) iwm. Macallinka Af-Soomaaliga waxaa lagu xushaa in uu hiwaayad ama hibo u leeyahay suugaanta Soomaalida, oo uu xiisaynayo. Sidaas darteed, wuxuu ardayda ugu dadaalaa sidii uu kurjad gabayo ah u xafidsiin lahaa, siiba dugsiyada dhexe iyo sare!

  1. Agab kala dhiman Meesha saddexaad ee biyodayskani ka jiraa waa agabkii waxbarashada ee maaddadani u baahnayd oo kala dhiman. Buugga muqararka (text book) oo loo wada baahan yahay ka sokow; macallinku wuxuu u baahan yahay buugga tilmaame bare (Teacher`s Guidebook), iyo buugaag kale oo tixraac (reference books); halka ardayguna u baahan yahay buugaag kale oo kaaba (Supplementary reading books), oo uu akhristo, siiba dugsiyada dhexe iyo sare. buugaagta ka sokow, waxaa kale oo loo baahan yahay agab kale oo hawshan loo adeegsan karo. Buugaag iyo agab kaleba waxa keliya ee laga hayaa waa buugga muqararka, oo isna lagu diyaariyay hannaan-abbaarid dheellisan. Sidaas darteed, inkasta oo waqti badan iyo kharash badan la geliyo in ardayga loo dhigo maaddada AfSoomaaliga, haddana waxaa ka soo baxa faa`iido kala dhantaalan oo aad uga hoosaysa dadaalkaa la geliyay!

Maxaa inala Gudboon? Maaddada Af-Soomaaliga ee ardayga loogu dhigo waxbarashadiisa aasaasiga iyo dugsiga sare waa dadaal ammaan iyo bogaadinba mudan; waase dadaal leh goldaloolo wiiqaya, waxaana ka soo baxa faa`iido kala dhantaalan! Haddaba, sidee wax looga qabtaa goldaloolladaa dadaalka wiiqaya? Halkan, waxaan ku soo gudbinayaa talooyin kooban, oo kala ah:

B.Toosinta Manhajka & hannaan-abbaarka maaddada

Waa in laga bi`iyaa dheelliga iyo kala dhantaalanka haysta maadadan Af-Soomaaliga, lana saxo fikradda laga haysto iyo hannaan-abaarka lagula falgalo. Waana in dib loo qaabeeyaa manhajka maadadan, lana horumariyo muqararka loo dhigayo ardayda, gaar ahaan heerka dugsiyada dhexe iyo sare.

Meelaha ay tahay in mudnaanta la siiyo waxaa ka mid ah in sare loo qaado xirfadda akhriska iyo qoraalcurinta ardayga, iyo suugaanta qaybteeda tiraabta, sida sheekooyinka iwm.

T.Diyaarinta Macallinka In la diyaariyo, lana tayeeyo macallinka Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa, loona sameeyo tababar ah aqoonta Af-Soomaaliga iyo xirfadda bariddiisa.  Macallinkani wuxuu u baahan yahay laba cilmi; midi waa AF-SOOMAALIGA IYO SUUGAANTIISA [Somali Language & Literature]. Qof kasta oo Ingiriis ahi ma dhigo Af Ingiriisiga, qof kasta oo Carab ahina ma dhigo Af Carabiga; waxaa dhiga qof soo bartay ‘English Language & Literature’ ama ‘ اللغة العربية وآدابها .’ Macallinku waa inuu luqadda u bartaa cilmi ahaan… Haa cilmi ahaan!!

Kan labaadna waa xirfadda baridda afka hooyo. In qof luqad la baraa wa xirfad leh hannaan iyo tabo la raaco; weliba baridda afka hooyo iyo baridda luqadda labaad [ajnabiga ah] waxay kala raacaan tabo iyo hannaan kala duwan.  Xilligan waxaa lagu bilaabi karaa tababarro gaagaaban oo la siiyo macallimiinta shaqada ku jira (in-service training). Tababarradani waa inay noqdaan xidhmo tababarro is kaabaya (training packages).

Tababarradani waxay, ilaa heer, wax ka tari karaan maqnaanshaha takhasuska Af-Soomaaliga.  Waa in la hiigsadaa muddada dhexe sidii loo hirgelin lahaa macallin leh takhasus iyo xirfad buuxda, heer diblooma ama digrii buuxa. Muddada dibloomada lagu qaadanayo waxay noqon kartaa hal sanno ama laba sanno oo dugsiga sare ka dambaysa (post secondary diploma), ama waxay noqon kartaa digrii buuxa oo heer jaamacadeed ah. Qodobkani wuxuu u baahan yahay darsid iyo lafagurid dheeraad ah.

J.Kordhinta Agabka Waxbarashada In la diyaariyo buugaag kaaba (supplementary reading books) oo barbar socda buugga muqararka, oo ardaydu akhrisato, siiba dugsiyada dhexe iyo sare, waana buugaag sheekooyin iyo aqoon guudba noqon kara. Buugaagtani, waxay xoojinayaan aqoonta iyo xirfadda afeed ee ardaygu u leeyahay afkiisa hooyo. Sidoo kale, waa in loo hawlgalaa sidii loo haqabtiri lahaa agabka waxbarashada ee maadadani u baahan tahay. Macallinka is xilsaaraa wuxuu diyaarsan karaa agab waxbarasho waxtar leh, waayo, ma yara agabka uu agagaarkiisa si sahlan uga heli karo, wax weyna ku soo kordhin kara hawshiisa.

Gebagebo. Si dadaalka la geliyo baridda Af-Soomaaligu u dhalo faa`iido iyo midho looga qaateen ah, waa in la saxaa dhaliilaha jira, waxaana taa lagu gaari karaa talooyinka kor ku xusan. Hawsha horumarinta maadada Af-Soomaaliga iyo fulinta talooyinka kor ku xusan waxaa looga fadhiyaa Wasaaradda Waxbarashada, hay`adaha ka shaqeeya tacliinta, iyo hay`adaha ka shaqeeya Af Soomaliga. Mid kastaa waa in uu kaalinta kaga aadan gutaa, iyadoo dadaalladoodu ay noqonayaan kuwo is kaabaya isna dhammaystiraya.

Qore:Mustafa Fayruus