Madaxa Waaxda Naxwaha ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Barasare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa 17/12/2025, waxa uu muxaadaro ku saabsan “Kaalinta Afku ku leeyahay Baarsita Taariikhda Ummadaha” uu u jeediyay qaar ka mid ah maamulka jaamacadda, macallimiinta iyo ardayda Kulliyadda Waxbarashada iyo Culuumta Aadanaha ee Jaamacadda Muqdisho.
Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka mid ah xeeldheerayaasha Akademiyada AGA ee ku takhasusay cilmi-afeedka ayaa waaya-aragnimadiisa cilmiyeed la wadaagay dhammaan aqoonyahannadii ka soo qaybgalay muxaadaradaas, isagoo iftiimiyay sida ay afafku u noqdaan ilo muhiim ah oo lagu fahmo dhaqan iyo isbeddello taariikheed.
Gunaanadkii muxaadaradaasi ayaa Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, waxa uu ka jawaabay su’aallo kala duwan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii muxaadaradaasi.
















