Maalintii ay taariikhdu aheyd 26/5/2025 ayaa hawlwadeennada  Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), waxaa xarunta dhexe ee AGA, loogu qabtay kulan aqoonkororsi ah oo sare loogu qaadayay aqoonta hawlwadeennadaas.

Madaxa Naxwaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa hawlwadeennada  Akademiyada la wadaagay cashar ku saabsan “Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga”, wuxuuna si qotodheer u sharaxay muhiimmada ay leedahay in si isku mid ah loo wada dhigo habqoraalka farta Soomaaliga, isagoo hawlwadeennadaas kula dardaarmay inay xil gaar ah iska saaraan ilaalinta habdhigaalka midaysan ee af Soomaaliga.

Kulan aqooneedkaas ayaa qayb ka ahaa hawlmaalmedka Akademiya Goboleedka ee Af Soomaaliga.