Bandhiggii caalamiga ahaa ee Hargaysa International Book Fair oo socday intii u dhaxaysay 21-26 Luulyo 2018-ka ayaa si qurux badan loogu soo soo gaba-gabeeyay magaalada Hargaysa.
Carwadaasi oo sannad walba mar lagu qabto magaalada Hargaysa ayaa sannadkaan waxaa ka soo qeyb galay qorayaal caan ah, abwaano macruuf ah, aqoonyahano ku xeel dheer cilmi baarista, dad ajnabi ah oo ku hadla afka Soomaaliga iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.
Qaar ka mid ahaa qoraayshii ka qeyb galay bandhigaasi ayaa sheegay inay si aad ah ula dhaceen hannaankii loo soo abaabulay carwadaasi, waxayna tilmaameen inay aheyd madal aqooneed la isku wada arkay, iyaga oo u mahad celiyay xaruntii isku soo duwday carwadaas.
Bandhigga buuggaagta Hargaysa ayaa qeyb waxa uu ka yahay bandhigyada buugggaata ee sannad walba lagu qabto magaalooyin ka mid ah wadanka Soomaaliya.















