Madal aqooneed si qurux badan loo soo agaasimay, looguna wanqalay bandhigga buugaagta Laas-caanood, ayna ka soo qeyb-galeen dad isugu jiray siyaasiyiin, qorayaal, ehelada afka, dhaqanka iyo suugaanta, aqoonyahanno, fanaanniin iyo marti sharaf badan ayaa galinkii dambe ee maanta oo ku beegan 12/12/2019 waxaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Laas-caanood ee G/Soool.
Munaasabaddii xiritaanka carwadaasi ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin badan, madaxdaasi oo halkaasi ka soo jeedisay khudbaddo kala duwan ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin sida wanaagsan ee bandhiggaasi uu u qabsoomay, waxaana ay tibaaxeen inay Laas-caanood ku arkeen waxqabad la taaban karo, iyaga oo caddeeyay inuu G/Sool u soo jeestay dhinaca aqoon faafinta.
Hay’adda maxaliga ah ee SVO oo maal-galinaysay Bandhiggaasi ayaa mahadnaq balaaran ku mutaystay qabsoomidii carwadaasi, taasi oo noqonaysa markii ugu horeeyay ee bandhig noocaasi oo kale ah uu ka dhaco Gobolka Sool.
Dooddaha cilmiyeed iyo Bandhigga buugaagta ka sakoow, waxaa halkaasi ka dhacay tartamo ciyaareed iyo kuwo suugaaneed, waxaana ka qeyb-galayaashii madashaasi si weyn u soo jiitey kooxaha Farda-fuulka ah ee bandhiggaasi wacdaraha ka muujiyay, hablaha hidaha iyo dhaqanku u dhamaystiran yahay iyo aqalada laba Deryaalaha ah ee goobta ka muuqdey.















