Bandhiggii buugaagta Jigjiga ee socday intii u dhaxaysay 27-29/6/2024, ayaa maalintii Sabtiga aheyd oo ku beegneyd 29/6/2024, waxaa si rasmi ah loogu soo gunaanaday xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee magaalada Jigjiga.
Furitaankii bandhigaasi waxaa si rasmi ah u furey Madaxweynaha deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafa Muxummed Cumar, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirro ka socotay dawlad deegaanka Soomaalida, siyaasiyiin, aqoonyahanno, xeeldheerayaal dhanka afka ah, qorayaal, maskaxmaal iyo dhallinyarada jecel akhris/qoraalka af Soomaaliga ayaa intii u socday waxaa lagu soo bandhigay boqollaal buug oo ay qoreen qorayaal kala duwan, muxaadarooyin cilmi ah, doodo la xiriira dhinaca afka, dhaqanka, qoraalka iyo hal-abuurka Soomaalida.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Macaallin Saciid Saalax Axmed oo ka mid ah guddga fulinta ee AGA ayaa ka mid ahaa xeeldheerayaashii lagu casuumay bandhigaasi.
Baresare Cabadalla Mansuur ayaa maalintii labaad ee bandhigaasi wuxuu halkaasi ka soo jeediyay muxaadaro xiiso badan oo ku saabsanayd “Sooyaalka, Afka iyo Isirka Soomaalida” taasi oo aad loo jecleystay, sidoo kale, waxaa isna bandhigaasi mowduuc hal ku dheggiisu ahaa “Farriimaha Koorta” ka soo jeediyay Macallin Saciid Saalax Axmed, kaasi oo ah xirriir joogto ah oo uu Macallinku ku guto waxbarida bulshada.
Ugu dambayn, waxaa xaflad sagootin ah ka qaybgalyaashii bandhigaasi loogu qabtay xarunta madaxtooyada DDS, waxaana halkaasi laga soo jeediyay hadallo u badnaa mahadnaq iyo dardaaran, iyadoo isla musaabadaasi shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay xafiisyadii, shirkadihii iyo hay’adihii doorka wayn ka qaatay taabagalinta bandhigaasi.