Sannadkii labaad ayaa magaalada Boorame ee Gobolka Awdal waxaa lagu qabtay bandhiggii buugaagta ee magaaladaasi, bandhiggaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa furitaankiisi waxaa ka soo qeyb-galay madax kala duwan, qorayaal, abwaanno, shaqsiyaad caan ah, dhallinyaro iyo dadweyne aad u fara badan.

Bandhiggaasi oo si rasmi ah loo furmay 23/12/2020 ayaa waxaa loogu talagay  in uu socdo muddo hal maalin ah, waxaana sannadkaan hal ku dhig looga dhigay  “Akhri oo Hoggaami”.

Guddoomiyaha Xikma Foundation Muuse Muxumad Diiriye oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaashii bandhigaasi ayaa sheegay in bandhigaasi uu fursad yahay qorayaasha oo dhan sidii ay ugu soo bandhiggi lahaayeen buugaagtooda iyo aragtidooda, isaga oo caddeeyay in bandhigga buugaagta ka sakow in ay jiraan barnaamijyo kale oo xiiso badan sida  dood-cilmiyeedyo looga hadlayo sidii wax la isaga weydiin lahaa hadba wixii taagan.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed  Axmed Cawad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo qabashada bandhigaasi, isaga oo ganacsatada ku dhiiri-galiyay inay taageeraan bahda  akhirska iyo qoraalka.

Bandhigaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxa uu qeyb ka yahay bandhigyada buugaagta ee sannad walba lagu qabto qaar ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya.