Carwadii buugaagta magaalada Baydhabo (Baidoa Book Fair) oo socotay intii u dhaxayasay 23-24 Disember 2020, ayna ks oo qeyb-galeen Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed, Wasiirro, Xildhibaanno, qorayaal, abwaanno, wakiillo matalayay golayaal qaabilsan dhigaalka, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa si rasmi loogu soo gaba-gabeeyay xarunta Gobolka Bay ee magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka K/Galbeed Md. Cali Saciid Faqi oo bandhiggaasi si rasmi ah u furey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in marki labaad magaalada Baydhabo ay marti-galiso carwada buugaagta K/Galbeed, waxaana uu caddeeyay inuu si kalgacal leh uu ugu soo dhaweynayo carwadaasi dhammaan bahda lagu martiqaaday, isaga oo u mahad-celiyay dhallinyarada reer Baydhabo oo soo agaasimay carwadaasi.

Guddoomiyaha carwada buugaata Baydhabo Cabdi-samad Aadan Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimada ay leedahay qabashada carwadaasi, waxaana uu iftiimiyay ujeedada loo qabtay carwadaasi inay daarran tahay sidii cilmi iyo waaya-aragnimo aqooneed loo kala kororsan lahaa, isaga oo balanqaaday in la joogteyn doono qabashadeeda.

Bandhiggaasi oo si wanaagsan loo soo abaabulay ayaa waxaa lagu soo bandhiggay Boqollaal buug oo ay qoreen hal-abuurro Soomaaliyeed, iyada oo dhinaca kalana ay jireen dood cilmiyeedyo ay yeelanayeen ka qeyb-galayaashii bandhiggaasi.

Waa sannadkii labaad ee bandhig noocaan oo kale ah lagu qabto magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, inta badan magaalooyinka Soomaalida ayaa sannad walba xilliyo kala duwan waxaa lagu qabtaa bandhigyo la xirrira dhanka buugaagta.