Bandhig aad u qurux badan oo loogu tala-galay daahfurka buugga Gardaadiye, ayna ka soo qeyb-galeen masuuliyiin kala duwan, siyaasiyiin, aqoonyahanno, qorayaal, bahda naadiyada akhriska iyo qoraalka, hal-abuurro, dhallinyarada wax ka barata jaamacadaha G/Banaadir iyo marti sharaf kale, ayaa shalay oo ku beegneyd 22/7/2021, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Bandhigaasi oo ay soo qaban-qaabisay xarunta dhaqanka iyo daabacaadda ee Laashin ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay madaxa cilmi baarista Laashin Bare Sare Xasan Cumar Axmed (Xasan Mudane), waxa uu ugu horeyntii sheegay in uu xafladaasi ku soo dhaweynayo dhammaaan ka soo qeybgalayaashii bandhigaasi, waxaana uu dhanka kale faahfaahiyey waxqabadka xarunta Laashin iyo buugaagta ay daabacday oo uu ka mid yahay buugga Gardaadiye.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi   ka hadlay oo ku dheeraaday qiimaha buugga Gardaadiye aqoonyahaannno ay ka mid ahaayeen Prof. Maxamed Cilmi Tooxow, Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid iyo Luul Xasan Kulmiye “Carra-weelo” oo dhammaantoodba qiray in buugga Garadaadiye uu yahay buug si aad ah loogu baahnaa, isla markaana ku soo aaday waqti ay dad badan u baahan yihiin buugaag ay siyaasadda kaga nastaan, sida Gardaadiye oo kale.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadashay Guddoomiye Ku-xigeenka midowga qorayaasha Najmo Maxamuud Shiikh Cumar iyo xubno kale oo ka socday bahda akhriska iyo qoraalka, waxaana ay qireen in buugga Gardaadiye lagu soo uruuriyey Sheeko-xariirooyinkii dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwoodii ugu caansanaa, iyaga oo bulshada ugu baaqay in ay badiyaan akhrinta buugaagta nuucaan oo kale ah, si wax badan oo dhaxalka ummadda ah looga qaato.

Intaasi kadib, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhoweeyay qoraagga buugga Gardaadiye Al-ustaad Laashin Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal), waxaana uu si qoto dheer uga warbixiyay macluumaadka uu xambaarsan yahay buuggiisa, isaga oo ka qeybgalayashii bandhigaasi la wadagay sababihii ku dhaliyey in uu buugaasi soo saaro.

 “Waxaa igu dhaliyey in aan buugaan soo saaro markii aan arkay buugaag badan oo afkeenna lagu tarjumay, laakiin aan ahayn dhaqankeennii iyo in uu sii lumayo sheekooyinkii soo jireenka ahaa oo qayb ka qaadan jiray kobaca iyo dhismaha afkeenna hooyo” ayuu yiri qoraha buugaasi.

Mar uu qoruhu ka hadlayay habka uu u dhigan yahay buugga Gardaadiye ayaa iftiimiyay in lagu soo ururshay in ka badan 20 Sheeko-Xariiro, kuwaasi oo u kala baxa 4-qaybood oo kala ah:

  1. Sheeko-Xariirooyin loogu tala-galay caruurta 7-da sano ka yar.

  2. Sheeko-Xariirooyin loogu tala-galay caruurta 7 ilaa 15 jirka ah.

  3. Sheekooyin quseeya wixii 15 sanno ka wayn iyo

  4. Sheekooyin loogu tala-galay waalidiinta oo ujeedkoodu uu yahay in ay laftooda ka tilmaam qaataan.

Qoraagga buugga Gardaadiye Laashin Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal” ayaa ugu dambayntii waxa uu hadalkiisa ku soo xiray: “Noqo qoraa wanaagsan oo bulshadiisa anfaca, haddii aadan awoodin noqo akhriste wanaagsan oo naftiisa anfaca”.

Munaasabaddii bandhigaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxa ay ku soo gaba-gabowday jawi deggan oo xambaarsan riyaaq iyo kal-gacal.