Bandhiggii Buugta Banaadir oo 2/2/2021 si rasmi ah uga furmay xarunta Dhallinyarada G/Banaadir ayaa maanta galay maalintii labaad ee uu bandhiggaasi si habsami leh uga socdo magaalada Muqdisho
Munaasabaddii furitaanka bandhiggaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb-galay madax ka kala socotay maamulka G/Banaadir, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), masuuliyiin matalaysay Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka, Aqoonyahanno, Qorayaal, Fannaaniin iyo marti sharaf kale oo aad u badan.
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jakeeti oo furtay bandhiggaasi ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay qabashada bandhiggaasi, waxayna caddeysay inay soo dhaweynayso qorayaasha Soomaaliyeed ee ka qeyb-qaadanaya carwadaasi, iyada oo halkaasi uga mahad-celisay Midowga Qorayaasha oo soo abaabulay bandhiggaasi.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Mudane Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay furitaankii bandhiggaasi ayaa halkaasi ka soo jeediyay khudbad aad u qiima badan oo dhinacyo kala duwan ka hadlaysay, isaga oo u hambalyeeyay dhallinyaradii laheyd hal-abuurka bandhiggaasi qiimaha badan.
“Dalkeena waxaa wax ka beddeli kara dhallinyaro wax badan akhrisay isla markaana wax badan qortay. Haddaan akhris jirin hormar ma jiro, haddaan qoraal jirin-na wax soo saar ma jiro” ayuu yiri Dr. Afrax oo sheegay mar walba Akadeemiye-Goboleedka (AGA) in ay ka go’an tahay taageerida iyo tababbar-siinta dhallinyarda jecel akhriska iyo qoraalka afka Soomaaliga.
Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab, Guddoodmiyaha Dhallinyarada G/Banaadir Cabdi-kaafi Maxamuud Makaraan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Najma (Qaran Billa) oo ka sheekeeysay dadaalkii loo soo galay qabashada bandhiggaasi taariikhiga ah.
Furitaankii bandhiggaasi kadib, waxaa halkaasi ka bilowday soo jeedinno iyo dooddo ay ka qeyb-qaadanayeen qaar ka mid ah qorayaashii bandhiggaasi ka qeyb-galay, iyada oo lagu wado in bandhiggaasi la soo gaba-gabeeyo 3/2/2021 haddii uu Alle idmo.
















