Bandhig aad u xiiso badan oo ay ka qeyb-qaadanayaan aqoonyahanno ku xeel-dheer  cilmiga afafka, qorayaal, abwaanno, cilmi baarayaal,  iyo fannaaniin ka kooban Soomaali iyo Ajnabi ayaa maanta oo ku beegan 27/9/2019-ka waxaa uu si rasmi ah uga bilowday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Bandhiggaan oo socon doono muddoo laba maalin ah ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay Hay’adda Daabacaadda ee Laashin iyo xarunta buugaagta ee  Shabelle Book Shop, waxaana uu ka dhacayaa halka loo yaqaano Kortdal Form, iyada oo martida ka qayb-galaysa carwadaasi ay yihiin dad xiiseeya luqadda, suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.

Furitaankii bandhiggaasi waxaa ka hadlay qorayaasha kala ah Dr. C/llaahi Sheikh Xussein Hantiwadaag, Prof. Cali Jimcaale Axmed iyo Barbaariye Bashiir Cali Xuseen, kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka soo qeyb-galaan bandhiggaasi, waxayna si gaar ah uga hadleen macluumaad la xiriira suugaanta afka Soomaaliga, waxtarka buugaagta iyo hibada qoraalka, iyaga oo u mahad-celiyay Hay’addihii soo agaasimay bandhiggaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi isna ka hadlay Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee wadanka Sweden Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo ka warbixiyay  nuxurka uu xambaarasan yahay buugiisa Godob iyo Galad oo ka mid ah buugaagta carwadaas lagu soo bandhiggay.

Qaar ka mid ah fannaaniintii ka soo qeyb-gashay carwadaasi ayaa halkaasi ku soo bandhiggay suugaan ka tarjumaysay dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, fannaanada la yiraahdo Elizabeth Ask oo ku magac dheer Faadumo ayaa fagaraahaasi ka qaaday heesta caanka ah ee la yiraahdo Maanta…Maanta iyo heeso kale.

Buugaagta carwadaasi lagu soo bandhiggay ee sida gaarka ah loo xiisaynayay ayaa waxaa ka mid ahaa Maana-faay, Gaso, Ganuun iyo Gasiin, Godob iyo Galad iyo qaar kale.