Munaasabad lagu maamuusayay bandhigga dhiganaha loogu wanqalay Haweenka iyo Hayaanka Nolosha, ayna ka soo qeyb-galeen Madax kala duwan, Saxafiyiin, Abwaanno, Qorayaal iyo qaar ka mid ah dhalllinyarada danaysa Akhriska iyo Qoraalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Furitaankii munaasabaddaasi ayaa Hadal ay halkaasi ka soo jeedisay qoraha buugga Haweenka iyo Hayaanka Nolosha Hibo Faarax (Hibo Garaad) waxa ay si qoto dheer uga sheekaysay macluumaadka uu xambaarsan yahay buuggeeda, waxayna caddeysay inuu buuggaasi si faah-faahsan uga hadlayo Taariikhdii Haweenka Soomaaliyeed, Halgankii Xorriyadda, ka Qayb-qaadashada Doorka Gabdhaha ee dhanka Siyaasadda, Dhiiragelinta Haweenka iyo kaalinta ay Dumarku ku leeyihiin dib u soo kabashada Dalka.
“Sharaf ayay ii tahay maanta oo ku beegan 26/10/2018 inaan idinla waddaago buuggayga ka hadlayo arimaha Haweenka, halkaan waxaan uga mahad-naqayaa Wallaalihii gacanta iga siiyay suura-galinta madashaan qiimaha badan” ayay tiri Hibo Garaad oo sheegtay inaaney illoobi doonin dhiiri-galintii ay ka heshay madaxda, maqaawiirta iyo xubnaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Madaxa Tiknoolajiyadda Akadeemiye-Goboleedka Afsoomaaliga Caaqil Axmed Faarax oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay munaasabaddaasi ayaa sheegay inay Aga soo dhaweynayso guud ahaan Qalinleyda Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha hibada u leh dhanka qoraalka, isagoo ku guubaabiyay bahda qoraalka inay xoogga saaraan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen buuggaag tayo leh oo ku qoran afkeena hooyo.
Madashaasi oo ku dhacday jawi aad u wacan ayaa Gaba-gabadeedii waxaa lagu bixiyay nuqulo ka mid ah buugga Haweenka iyo Hayaanka Nolosha, waxaana dadkii nasiibka u helay nuquladaasi u saxiixday qoraa Hibo Garaad oo ah soo saaraha buuggaasi.