Bandhig ballaaran oo loogu tala-galay soo bandhiggida Kutub Diini ah oo ay qoreen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, ayna ka soo qeyb galeen Wasiirro, Xildhibanano, madaxda ururada bulshada rayidka iyo culumaa’udiin ka kala yimid magaalooyinka Nairobi, Jigjiga iyo Hargaysa ayaa shalay oo ku beegneyd 8/6/2021 waxaa lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Imaamu Shaafici ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dawladda Soomaaliya Shiikh Cumar Cali Rooble, Wasiirkii hore ee arimaha Diinta Xildhibaan Cabdulqaadir Shiikh Baqdaadi iyo Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Cusmaan Muxyadiin Tahliil oo bandhigaasi ka soo qeyb-galay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in bandhig gaar ah loo qabto kutubbo diini ah oo ku qoran luuqadaha Af-Soomaaliga iyo Carabiga, iyaga oo bogaadiyay walaalaha soo abaabuay bandhigaasi qiimaha badan.
Waa sannadkii labaad ee la qabanayo bandhigga kutubtaasi, waxaana munaasabaddii furitaanka bandhigaasi goob-joog ka ahaa masuulyiin ka socotay culumada Ahlu Sunna Wal-jamaaca.















