Bandhig aad u balaarran oo loogu magac-darey Bandhig-suugaaneedka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa 17/11/2018, waxa uu si rasmi ah uga furmay hoolka Sayidka ee xarunta Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee magaalada Jig-jiga.
Bandhiggaan oo ah midkii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Madax ka socotay Dowlad-Deegaanka Soomaalida, masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Abwaanno, qoraayaal, Ehelada Sayidka, Ehelada Darwiishkii weynaa Ismaaciil Mire iyo Ehelada Garaad Wiil-Waal, marti ka kala socotay magaalooyinka Muqdisho, Jabuuti, Hargaysa, Kismaanyo, Garowe, Soomaalida Qurbaha, Salaadiin, Isinno, Garaady iyo dadweyne aad u fara badan.
Furitaankii bandhiggaas ayaa hadal uu munaasabdaas ka soo jeediyay Wasiirka Madaxtooyada Dawlad-Deegaanka Soomaalida Md, Cabdirisaaq Sh. C/raxmaan waxa uu madashaas ka aqriyay salaan iyo fariin uu ka siday Madaxweyne Mustafa, waxaana uu caddeeyay Madaxweynahu inuu jeclaa ka soo qayb-galka bandhiggaas hase yeeshee fursadda ay u saamixi weyday.
La-taliyaha Madaxweynaha Sh. Ibraahin Maxamed Xuseen oo ku hadlayay magaca qaban-qaabiyaasha bandhiggaas ayaa si kooban u uga hadlay ujeeddada bandhigga, waxaana uu halkaasi uga mahad-celiyay dhamaan martidii ka soo qeyb gashay bandhigaas.
Qoraaga Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo isna ka hadlay munaasabdaas ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhdii Sayidka, waxaaan uu fagaarahaas ka akhriyay qaar ka mid ahaa gabayadii Sayid Maxamed C/lle Xasan.
Bandhiggaas ayaa qeyb waxaa ka ahaa Buuggaag fara badan oo madashaas lagu soo bandhiggay, waxaana buuggaataas ka mid ahaa Diiwaanka Sayidka & Taariikhdii Daraawiishta.
Bulshada magaalada Jigjiga ayaa si diirran u soo dhaweeysay bandhig suugaaneedka ka socda magaaladooda, waxayna sheegeen in arrintaas ay horseed u noqoneyso is dhexgalka ummadda Soomaaliyeed & kobcinta afka Soomaaliga.















