Habeenkii Isniinta oo ay Talaado soo galaysay, kuna beegnayd 07-07-2025 ayaa hoolka Astaan TV ee magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay baalfurka buugga Nolasha Nafaqaysan oo ay qortay Tababbare Drs. Amiira Aweys Abuukar.
Baalfurka buuggaas oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay siyaasiyiin, dhaqaatiir, qorayaal, bahda waxbarashada, naadiyada akhriska iyo xubno ka socday naadiga qalinlayda Somali Pen.
Ugu horreyntii, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhoweeyay qoraaga buugga Nolosha Nafaqaysan Tababbare Amiira Aweys Abuukar, oo ku dheeraatay marxaladihii ay la soo martay qoridda buuggan iyo wixii ku khasbay inay qorto, waxayna tiri, “Buuggan aan caawa u wada joogno baalfurkiisa waa hage dhammaystiran oo ka hadlaya fahanka nafaqada iyo sida ay saamayn ugu leedahay caafimaadka iyo Tayada nolosha, hadafkayga ugu weyn ee aan buuggan u qoray waa in bulshada lagu wacyigeliyo qiimaha cunto caafimaad leh iyo sida loo abuuro nolol dheellitiran iyadoo la adeegsanayo cuntooyin dabiici ah oo caafimaad leh” .
Qoraa Amiira oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in buuggan ay ku soo koobtay 10 cutub oo ay u arkaysay inay muhiim yihiin, kuwaasi oo ay ka xustay inay ka mid yihiin: Kobcinta wacyiga caafimaadka, u tilmaamidda bulshada nafaqooyinka muhiimka u ah, ka hortagidda cudurrada ka dhasha nafaqadarrada, kor u qaadidda habka nolosha iyo hagaajinta tayada nolasha, iyadoo dhanka kale, si weyn ugu mahadcelisay walaalihii iyo saaxiibbadii ka qaybqaatay baalfurka buuggeeda, waxayna u cudurdaartay boqollaal qof ee habeenkaa hoolka boos ka waayey, lagana buuxiyay kuraasta.
Wasiirkii hore ee dhallinyarada iyo cayaaraha Xildhibaan Maxamed Barre oo ka mid ahaa martida baalfurka buugga ka qaybgashay ayaa ka sheekeeyay qiimaha uu buugga noocani ah ugu fadhiyo bulshada iyo inuu ku soo aaday xilli aad loogu baahi qabay, buuggana uu si gaara u taabanayo daryeelka caafimaadka qof walbana ay muhiim u tahay in maanta uu si gaara u daryeelo naftiisa, isla markaana ogaado nooca nafaqo uu jirkiisa u baahanyahay.
Sidoo kale, waxaa baalfurka buugaas ka hadlay aqoonyahanno badan oo qoraaga iyo buuggaba amaanay, iyagoona qiray in aad loogu baahanyahay in bulshada loo qoro, loona soo kordhiyo buugaag la mid ah midkan ay qortay Drs. Amiira Aweys Abuukar.
Buuggan Nolasha Nafaqaysan ayaa noqonaya hagaha saxda ah ee kaalmo iyo caawimaad wanaagsan u noqon kara bahda caafimaadka iyo ardayda Jaamacadaha dhigta.
Ardayda waxay buuggan si wanaagsan uga fahmayaan xiriirka ka dhaxeeya caafimaadka wanaagsan iyo waxbarashada guusha leh, halka ay bahda caafimaadka iyagana ka heli karaan xogo muhiim ah oo ay bulshada ugu adeegi karaan.
Buuggan Nolosha Nafaqaysan oo ay qortay tababbare Drs. Amiira Aweys Abuukar, waxaa uu baraarujin wanaagsan u noqonayaa cidkasta oo doonaysa inay wax ka ogaato ama ay barato qiimaha nafaqada ee caafimaadka leh si nolashiisa uu ugu sameeyo nolol caafimaad leh ee waarta.
Gunaanadkii baalfurka buugga ayaa ku soo dhammaaday si wanaagsan, iyadoona habeenkaa ka qaybgale walba uu hoolka ka baxay isagoo buugga gacanta ku sita, taas oo dhiirrigelin wanaagsan u noqotay qoraa, tababbare Drs Amiira Aweys Abuukar.
Drs. Amiira Aweys Abuukar, ayaa baalfurka buuggeeda saacado ka hor, soo booqtay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), oo ay sheegtay inay ka cilmi iyo caqli qaadato xarunta, ayna u tahay marjac ay wax walba oo ku saabsan afka iyo qalinkaba ula soo noqoto, iyadoona ballanqaaday inay buuggeeda xarunta AGA keeni doonto uguna deeqi doonto, waxayna nuqullo buuggeeda ka mid ah ay guddoonsiisay Prof. Cabdalla Mansuur iyo agaasimaha Waaxda Waxbarashada Ustaad Cabdulqaadir Jubba.