Baalfurka buugga Hoobaan oo si wanaagsan loo soo agaasimay, ayna ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan, maskaxmaal Soomaaliyeed, qorayaal, bahda waxbarashada, naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo xubno ka socday naadiga qalinlayda iyo hal-abuurka Somali Pen ayaa 04-07-2025, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyntii, waxaa madasha baalfurka buugga Hoobaan lagu soo dhaweeyay qoraha buugga qoraa, qareen, cilmibaare iyo abwaan Cabdixakiin Maxamed Haaddi oo horay u qoray buugaag kala duwan, waxaana uu ka sheekeeyay sababihii keenay inuu qoro buuggan iyo marxaladihii uu ka soo maray, kaddibna waxaa uu gudagalay qofkii uu ahaa abwaan Cabdi Gorod Cabdi, wuxuuna yiri, “Ummad waliba dhaqankeeda iyo taariikhdeedaba waxaa saldhig u ah afka ay ummaddaasi leedahay, waana taas sababta ay bulsha waliba afkeeda uga ilaaliso dayicitaanka.

Abwaan Cabdi Gorod Cabdi, wuxuu ahaa nin Ilaahay hibo u siiyay curinta gabayada gole-ka-fuulka ah oo gabayadiisa badankooda ahaa, jaadadka kala duwan ee maansada laba un buu ka abaari jiray kolka uu wax curinayo waana gabayga oo lagu tilmaamo inuu yahay boqorka suugaanta iyo geeraarka oo martabad ahaan ku xiga, oo marara an badnayn uu u leexday, sidaas ay tahay abwaanka gabayadiisa waxay u badanyihiin kuwo gaagaaban, haseyeeshee, xambaarsan murti.

Abwaan Cabdi Gorod, waxaa aad loo bartay markii uu ku halqabsaday soona xigtay Abwaan Cabdullaahi Macallin Axmed “Dhoodaan” oo markaa curinayey gabaygiisa Garnaqsi ee uu ku yiri:

                            Cabdi Gorod garaadkii markuu, gabayga saaraayey

                            Gablan tala adduneey wuxuu, ugu guraabaasay

                            Macnuhuu ka gooraamayaan, Biixiyoow galaye.    

Abwaan Cabdi Gorod Cabdi, ninkaas miisaanka culus ayuu ahaa, wuxuuna dhashay qiyaastii sannadkii 1913-kii, wuxuu geeriyooday sannadkii 1996dii isagoo 83 jir ah.

Magaca buugga aan u baxshay ee Hoobaan, wuxuu ka yimid hoobaantii ahayd miraha bislaaday, waa magac suugaanta Soomaalida dhexdeeda hodan ku ah” ayuu hadalkiisa ku soo koobay qoraaga buugga Hoobaan Abwaan Cabdixakiin Maxamed Haaddi oo dhanka kale u mahadceliyay intii ka soo qaybgashay baalfurka buugga iyo dhallinyaradii soo agaasintay ee machadka DHAAB.

Gabaggabadii, waxaa baalfurka buugaasi ka hadlay aqoonyahannadii madasha ka soo qaybgalay, kuwaasi oo ka warbixiyay muhiimmadda uu leeyahay in sooyaal iyo suugaanba laga qoraa abwaan walba, si jiilka berri ay ugu noqoto dhito iyo kaydka, waxna looga barto taariikhdeenna shalay, loona diyaar garooba mustaqbalka soo socda, maadaama ay suugaantu tahay halka taariikhda lagu kaydiyo, sawirka iyo sooyaalkeennii tagayna laga helo.

 Ugu dambayntii xafladda baalfurka buugga Hoobaan ayaa si quruxbadan ku soo dhammaatay.