Munaasabad loogu talaggalay baalfurka buugga hoggaamiyaashii Soomaaliya 1956-2026, ayna ka soo qaybgaleen siyaasiyiin, mas’uuliyiin ka socotay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, aqoonyahanno, cilmibaarayaal, dhallinyarada naadiyada akhriska iyo qoraalka, saxafiyiin, abwaanno iyo marti sharaf kale, ayaa 5/5/2026, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn, waxaa munaasabadaas ka hadlay qoraaga buugga, Axmed Maxamuud Dhicisoow, wuxuuna sheegay qorista buuggan inay ku qaadatay muddo labo sanno ah, isagoo tilmaamay in baahida loo qabo keydinta taariikhda siyaasadeed ee dalka ay ku dhalisay inuu bulshada u soo bandhigo buuggan muhiimka ah.

“Waxaan doonayay jiilasha maanta iyo kuwa soo socda inay helaan buug ay kaga bogan karaan taariikhda hoggaamiyaashii dalka soo maray iyo marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo wajahday,” ayuu yiri qoraaga.

Qoraa Axmed Maxamuud Dhicisoow ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qeyb galay munaasabadda iyo cid kasta oo ka qeybqaadatay hirgelinta buuggiisa.

Mas’uuliyiintii ka kala socotay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, ururka saxafiyiinta Fesoj, bahda jaamacadaha iyo aqoonyahannadii kale ee munasabdaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey qoraaga, iyaga oo ku ammaanay dadaalka uu geliyey ururinta iyo keydinta taariikh muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed.

Buugga ayaa si faahfaahsan, waxa uu uga hadlaya Madaxweynayaashii, Ra’iisul Wasaarayaashii, Xildhibaanadii, Wasiirradii, Xukuumadihii iyo Maayeradii Muqdisho soo maray,  laga soo bilaabo sannadkii 1956-dii, xilligii ugu horreysay ee Soomaaliya la siiyey xukun ismaamul ah.