Maalintii ay taariikhdu aheyd 10/8/2026, waxaa xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho, lagu qabtay aqoonwadaag ku saabsanaa Cilmiga Maktabadaha.
Kulancilmiyeedkaas oo ay soo qabanqaabisay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, waxaa ka soo qaybgalay hawlwdeenno ka tirsan maktabadda AGA, aqoonyahanno ka kala socday jaamacadaha waddanka ee leh maktabadaha, qorayaal, macalliniin & xubno ka mid ah naadiyada akhriska & qoraalka .
Aqoonwadaagaas oo aad u xiisa badnaa, waxaa soo jeedinayay aqoonyahan Siidow Xaaji Maye oo ku taqasusay Cilmiga Maktabadaha, waxaana uu si faahfaahsan u sharraxay taariikhda & heerarkii ay soo mareen maktabadaha & heerka ay maanta marayaan maktabadaha caalamka.
Qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii aqoonwadaagaasi ayaa halkaasi uga mahadnaqay macallinkii soo jeedinayay cilmiga ku aaddan maktabadaha, iyagoo codsadey in la sii ballaariyo aqoonwadaagga noocaan oo kale ah.















