Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda aynu walaalaha nahay ee reer Jabuuti oo uu ka baxay Allaha u naxariistee, halgamaa, siyaasi, aqoonyahan abwaan  iyo qoraa Xaashi C/llaahi Orax  oo shalay oo ku beegneyd 11/5/2023 ku geeriyooday magaalada Jabuuti.

“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka reer Jabuuti ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee, Marxuum Xaashi C/llaahi Orax oo ka mid ahaa tiirarkii hal-abuurka walaalaha Jabuuti, sidoo kalana ka mid ahaa odayaasha Somali Pen iyo aasaasayaashii Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.

Akademiyada AGA ayaa Marxuumka Alle uga baridey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda reer Jabuuti ee uu ka baxay.

Marxuum Xaashi C/llaahi Orax ayaa ahaa halyay waxtar badan u lahaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan walaalaha reer Jabuuti, isaga dhinaca kalana ahaa akhyaar aan sheekadiisa laga xiiso dhicin.