Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee, abwaankiii Abwaan Jaamac Kediye oo shalay oo ku beegneyd 16/8/2023, ku geeriyooday magaalada Laascaanood,
“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee, Marxuum Abwaan Jaamac Kediye oo ahaa ahaa hal-abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed“ ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.
Akademiyada AGA, ayaa Marxuumka Alle uga baridey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.