Jigjiga:- Maalintii ay ku beegneyd 21/2/2023 ayaa magaalada Jigjiga waxaa lagu qabtay munaasabad lagu weynaynayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo taasi oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen Akademiye Goboleedka Af Soomaliga (AGA) iyo Xafiiska Dhaqanka & Dalxiiska DDS.

Maalintan oo ah maalin loo asteeyey in si caalami ah loo maamuuso afka hooyo, si guudna looga xuso dunida oo dhan iyo gayiga Soomaalidaba ayaa si meeqaam sare leh looga xusay caasimadda Deegaanka ee Jigjiga.

Munaasabadda waxa ka soo qeybgalay masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ugu horreeyo Wasiirka xafiiska Madaxweynaha DDS, wakiilka AGA ee Jigjiga, aqoonyahan, oday dhaqameed, ugaasyo iyo dhallinyarada qaybaheeda kala duwan.

Xuskan afka hooyo oo markii 24aad dunida laga maamuusayo, Deegaankana laga xusayo markii 10aad ayaa masuuliyiintii madashaasi ka hadlay tilmaameen in Deegaanku kaalin muhiim ah ka qaatay horumarka afka hooyo, iyadoo dhanka kalena madasha laga soo jeediyay daraasaadyo laga sameeyay dhanka erey bixinta aaladaha casriga ah.

“Dawladda Deegaanka Soomaalidu dadaal badan ayay ka muujisay ilaalinta, horumarinta & badhax tirka af Soomaaliga” ayaa ka mid ahaa hadalladii Dr. Xuseen Xaashi, Wasiirka xafiiska Madaxweynaha DDS.