Tababbar lagu baranayay  “midaynta habdhigaalka iyo naxwaha af Soomaaliga”, ayna ka qeyb qaadanayaan macallimiinta dugsiyadda G/Banaadir ayaa 7/2/2023, waxa uu si rasmi ah uga furmay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Tababbarkaasi oo ay soo qabanqaabisay Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ayaa ah mid baahsan oo loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan in ka badan lix boqol oo macallin, kuwaasi oo loo kala qeybiyay shan dufcadood.

Guddoomiyaha KMG ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka hadlayay furitaankii tababbarkaasi ayaa sheegay macallimiinta G/Banaadir inuu ku soo dhaweynayo xarunta AGA, waxaana uu si faahfaahsan uga hadlay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto daryeelka afka hooyo iyo sidii loo heli lahaa  habdhigaal lagu midaysan yahay, isaga oo caddeeyay tababbarada noocaan oo kale ah inay halkooda ka sii wadi doonaan.

Agaasimaha guud ee agaasinka waxbarashada G/Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur oo si  rasmi ah u furey tababbarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tababbarkaasi ay Akademiyadu u qabanayso macallimiinta G/Banaadir, waxaana uu ku guubaabiyay macallimiintaasi inay ka faa’iidaystaan aqoonta halkaasi lagu siinayo, isaga oo dhanka kale AGA uga mahadnaqay qabashada tababbarkaasi,

Madaxdaasi ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay madaxa tababbarada Akademiyada C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka) oo ka hadlay sida ay Akdemiyadu ugu dadaalayso tababbarsiinta mcallimiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee bulshada.

Horey ayay Akademiyda Goboleedka tababbarro noocaan oo kale ah ugu soo qabatay qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.