Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo ah xarun cilmiyeed loo aasaasay daryeelka iyo hiilka af Soomaaliga ayaa soo saartay laba buug oo si cilmi ah uga hadlayo “mideynta habdhigaalka iyo naxwaha af Soomaaliga”.
Buugaagtaan qiimaha badan ayaa waxaa ku faryareystay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah xeeldheere afeed, ahna Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga, waxaana ay buugaataan qeyb ka noqon doonaan dhaxalka Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga.
Horey ayay Akdemiyadu u soo saartay buugaagta kala ah Afmaal iyo Haldoor oo qeyb ka ahaa taxanaha darsida afka Soomaaliga iyo suugaantiisa.