Xaflad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, ayna ka soo qeybgaleen Xildhibaanno heer federaal ah, Wasiirro ka socday dawlad goboleedka Hirshabeelle, madaxda maamulka G/Banaadir iyo kuwa Akademiyada AGA, mas’uuliyiin ka kala socotay jaamacadaha, naadiyada akhriska iyo qoraalka, golaha abwaannada, dalladaha waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa 21 Febraayo 2023, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Ku-xigeenka Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Drs. Maryan Cariif Qaasin oo furtay xafladaasi ayaa sheegtay in sannad walba ay Akdemiyadu xusto maalinta afka hooyo oo ku astaysan 21 Febraayo, waxaana ay si qoto dheer uga hadashay dadaallada ay AGA ugu jirto nooleynta iyo hiilka afka Soomaaliga, iyada oo ballanqaaday inay Akademiyadu sii laba jibaari doonto daryeelka iyo horumarinta afka Soomaaliga.
Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa soo bandhiggay waxqabadka iyo qorshayaasha Akademiyada ee ku aadan dhanka wax ka qabashada qoraalka farta Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay inay haatan gacanta ku hayaan tababbarsiinta macallimiinta dugsiyadda G/Banaadir, isaga oo xusay in sidoo kale ay qorshaha ugu jirto tababbarsiinta shaqaalaha dawladda iyo kuwa dawladda hoose ee Muqdisho.
“Marka laga yimaado dhanka tababbarka, waxaa kale oo Akademiyadu ay wadaa shaqooyinkii kale oo ay u xilsaarneyd sida cilmibaarista dhanka afka, qaamusaynta, erey bixinta iyo sidii loo bilaabi lahaa olole ku aadan dib u dhigaalka qoraalka farta Soomaaliga oo la barayo bulshada Soomaaliyeed intooda aan aqoonin” ayuu yiri Bare sare Cabdalla Mansuur.
Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay guddoomiyaha Somali Pen laanta Muqdisho Marwo Dahabo Shiikh Maxamuud, guddoomyaha midowga dugsiyadda G/Banaadir Cabdulqaadir Maxamed Xasan, guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee arimaha bulshada Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Xildhibaan Cabdullaahi Xasan Rooble oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka soo qeybgalaan xuskaasi, iyaga oo Akademiyada ugu mahadnaqay dadaalka ay ugu jirto nooleynta iyo daryeelak afka Soomaaliga.
Munaasabdaasi oo ku dhacday jawi wanaagsan ayaa waxaa suugaan isugu jirtay heeso iyo gabayo ku sooo bandhiggay fannaanka Khaliif Cismaan Cabdi (Sayid Khaliifa) iyo abwaan Cabdullaahi Maxamed Jimcaale
Sannad walba ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta caalmiga ah ee afka hooyo, taasi oo sannadkii 1999-kii ay hay’adda Unesco u aqoonsatay in sannad walba marka la gaaro 21 Febraayo loo dabaaldego maalinta afka hooyo.