Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 21/4/2023, waxa ay ugu hambalyesay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitriga, taasi oo maanta ay tahay maalintii koowaad ee dabaaldegga ciidaas.
War qoraal ah ka soo ka soo baxay xarunta dhexe ee AGA ayaa Alle looga baryey shucuubta Islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed in uu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd oo ay soo guteen intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan, iyada oo qoraalkaasi loogu rajeeyay in sannadkaan, kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo horumar.