Kulan looga wadahadlayay sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta qoraalka farta Soomaaliga, ayna ka soo qeybgaleen madax ka kala socotay Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa 21/1/2023, waxa uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaadiidka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha KMG ah ee Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ugu horeyntii ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in Akademiyadu ay u soo jeedinayso Wasaaradda Gaadiidka sidii afka Soomaaliga uu uga shaqeyn lahaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan aragnaa in rakaabka raaca diyaaradaheenna in lagula hadlo af Ingiriis ama loo qeybiyo waraaqo ay ku qoran yihiin afaf qalaad oo aaney aqoon u laheyn, sidaasi daraadeed waxa aan soo jeedinaynaa in dadka Soomaaliyeed wax loogu sheego afkooda hooyo” ayuu yiri Prof Cabdalla Mansuur oo ballanqaaday in ay diyaar u yihiin tarjumaadda waraaqahaasi dadka rakaabka ah loo qeybiyo.

Guddoomiye Cabdalla oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay in sidoo kale ay ka go’an tahay sidii ay Wasaaradda Gaadiidka gacan uga siin lahaayeen erey bixinta hal ku dhigyada qalaad ee ku qoran garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, isaga oo iftiimayay inay mar walba  diyaar u yihiin xoojinta afka Soomaaliga

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md, Cali Gacal Gaabow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talo soo jeedinta Akadeemiye Goboleedka, waxaana uu ka warbxiyay dadaalka Wasaaradda ee ku aadan hiilka afka Soomaaliga, isaga oo codsadey in AGA ay tababbaro la xiriira hab dhigaalka saxda ah ee farta Soomaaliga ay siiso shaqaalaha qaranka.

Munaasabadaasi oo ku dhacday jawi wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Akademiye Goboleedka iyo Wasaaradda Gaadiidka.