Kulan ballaaran oo loogu mahadcelinayay hay’adihii Akademiya Goboleedka kala qaybgalay xuskii maalinta afka hooyo ee 21/2/2025, ayaa shalay oo ku beegneyd 3/3/2025, waxa uu ka dhacay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiye kuxigeenka Akademiya Goboleedka Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), ayaa si qoto dheer looga hadlay sidii quruxda badneyd ee loogu guulaystay qabashada xuskaas.

Dr. Xuseen Wadaad oo hadal kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa si weyn ugu mahadnaqay hay’adihii AGA kala qaybgalay xuskaas, kuwaasi oo kala ahaa golaha Abwaannada, Somali Pen, Green Hope & naadiyada Qalinqoyan iyo Garaad Kobac, isagoo iftiimiyay inay lagama maarmaan tahay sidii la isaga kaashan lahaa hiilka af Soomaaliga.

Guddoomiyaha golaha abwaannada Xirsi Dhuux Maxamed, maamulaha jaamacadda Green Hope Prof. Mustaf Macallin Cabdulle, guddoomiye kuxigeenka Somali Pen Axmed Dhicisow, guddoomiyaha Qalinqoyan Ismaaciil C/llaahi Maxamed & guddoomiye kuxigeenka Garaad Kobac Raxmo Cali Xuseen ayaa iyaguna caddeeyay inay aqbaleen mahadnaqa ay Akademiyadu u soo jeedisay, iyagoo ballanqaaday inay ka go’an tahay la shaqaynta AGA.