Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ilays oo ay hoggaaminayaan guddoonka sare ee naadigaas ayaa maanta oo ku began 12/7/2025, waxay booqasho ku yimadeen xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Xubnaha ka socday naadigan waxaa hoggaaminayey guddoomiyaha naadiga ustaad Cali Maxamed Xasan (Cali Soomaali) iyo Drs. Sacdiya Cabdinuur Cilmi iyo xubna kale, waxaana qaabilay kusimaha guddoomiyaha AGA, Prof. Cabdalla Cumar Mansuur, oo ku soo dhaweeyay xarunta Akademiyada.
Guddoomiyaha naadiga Cali Soomaali oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mahadcelinayo sida wanaagsan ee loogu soo dhoweyay xarunta Akademiya Gobboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
“Waxaa farxad noo ah inaan maanta joogno xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), oo ah hoyga iyo hiilka afkeenna hooyo, weligeen ayaan ku hamminaynay inaan Akademiyada imaanno, laakiin waxaan ku jirnay saldhigasho, hadda waxaa na keenay baahi tababbar, maadaama aan ka shaqayno akhriska iyo qoraalka” ayuu yiri guddoomiyaha naadiga Ilays oo intaas raaciyay hadafkoodu inuu yahay jihaynta bulshada xagga akhriska iyo qoraalka.
Guddoomiye kuxigeenka naadiga Drs. Sacdiya Cabdinuur ayaa iyadana adkaysay sida ay ugu faraxsantahay inay maanta yimaadaan xarunta Akademiyada AGA oo ay sheegtay inay weligoodba u ahayd marjac ay ka cilmi qaataan, iyadoona codsatay in tababbarka ay aad ugu baahi qabaan xaruntana ay ka sugayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan ay u siiso.
Kusimaha guddoomiyaha AGA Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, oo gunaanadkii halakasi ka hadlay ayaa naadiga Ilays ku ammaanay sida ay u danaynayaan afkooda hooyo, isagoona u ballanqaaday wixii cilmi ah oo ay xaruntu hayso inaysan kala gaabin doonin, diyaarna ay u tahay xarunta in ay tababbarto cidkasta oo u baahan inay ka shaqayso horumarinta afkeeda hooyo.
Ugu dambayn, waxaa laysla qaatay in naadiga guud ahaan tababbarka la siiyo laba maalmaha kala ah: Sabti iyo Arbaco oo ku beegan 19/07/2025 iyo 23/07/2025.
















