Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaano, Senatorro, madaxda G/Banaadir, abwaanno, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, qorayaal iyo marti sharaf kale, ayaa galabta oo ku beegnayd 20/2/2025, waxaa lagu qabtay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Macallin Saciid Axmed oo munaasabadaasi uga qaybqaatay dhanka qadka ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu ku yimid xuska maalinta afka hooyo, wuxuuna iftiimiyay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto noolaynta iyo horumarinta af Soomaaliga, isagoo caddeeyay inay AGA u qorshaysan tahay sidii ay uga mira dhalin laheyd barnaamijyada u degsan sida “Adeegsiga af Soomaaliga, naxwaha,, tajumaadda & ereybixinta, qaamuusaynta iyo suugaanta”.

Wasiirka dhallinyarada Xildhibaan Maxamed Barre , wasiiru dawlaha Diinta Eng. Abuukar Jaylaani Shiikh, wasiir kuxigeenka Ganacsiga Xildhibaan Cismaan (Daallo), Senator Cismaan Abuukar Dubbe, guddoomiye kuxigeenka G/Banaadir C/casiis Cabdow & agaasimha arrimaha bulshada madaxtooyada qaranka Cabdiraxmaan Xudayfi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin ka soo qabygalka xafladaas, iyagoo AGA iyo bahdeeda uga mahadnaqay qabashada xuskaas.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay golaha abwaannada, Somali Pen, iyo Green Hope, kuwaasi oo ka hadlay muhimmada uu leeyahay xuska maalinta afka hooyo.

Qaar ka mid ah fannaaniinta qaranka ayaa halkaasi ku soo banadhigay suugaan kala duwan oo aad loola dhacay.