Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa 17/4/2025, waxay martigalisay kulan lagu gorfaynayay buugaagta kala ah “Jiraalkey 1” iyo buug kale oo ku qoran af Ingiriis oo ciwaankiisu ahaa “Who Will Cry When You Die”.
Kulankaasi oo ku saabsanaa gorfaynta labadaas buug ayaa waxaa soo qabanqaabiyay naadiga Qalinqoyan, waxaana ka soo qaybgalay xubno ka mid ah naadigaasi iyo marti sharaf kale.
Buugga koowaad ee “Jiraalkey 1” oo halkaasi lagu soo bandhigay ayaa waxaa soojeedin xiiso leh ka sameeyey guddoomiyaha naadiga Qalinqoyan Ismaaciil Cabdullaahi, halka buugga labaad ee “Who Will Cry When You Die” ay soo koobtay Drs. Caasho Axmed Xasan oo ka mid ah xubnaha qorayaasha ah ee katirsan naadiga akhriska iyo qoraalka Qalinqoyan.
Gorfaynta buugaagtaasi oo aad loola dhacay ayaa waxaa xiriirinaysay xoghayaha naadiga Qalinqoyan Xamdi Maxamed Muxumad. Ugu dambeyn waxaa kulankaasi soo gunaanaday guddoomiye kuxigeenka naadiga Yaasiin A. Maalin oo u mahadceliyey Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo martigalisay kulankaasi iyo xubnihii naadigaasi ee kasoo qaybgalay gorfayntaasi.