Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo ay ka baxday Allaha u naxariistee, fannaanadii Shankaroon Axmed Yuusuf (Ssagal), oo 10/4/2026 ku geeriyootay waddanka Maraykanka.
“Innaa lillaahi, wa innaa ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u diraynaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee, marxuumad Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal) oo ka mid ahayd kooxdii qaranka ee hobollada Waaberi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.
Akademiyada AGA ayaa marxuumadda Alle uga baridey inuu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday.
Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal) ayaa ka mid ahayd fannaaniinta caanka ah ee loogu jeclaa gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira fanka waddankeena.