Kulan looga hadlayay sidii ay Akademiya Goboleedka (AGA), gacan uga siin laheyd hay’adda aqoonsiga iyo diiwaanagalinta qaranka (NIRA) habka ereybixinta af Soomaaliga ayaa shalay oo ku beegneyd 24/2/2024, wuxuu ka dhacay xarunta hay’adda aqoonsiga ee magaalada Muqdisho.

Maareeyaha hay’adda aqoonsiga qaranka Cabdiwali Timacadde oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga ay gacan ka siinayso hay’addiisa qaabka ugu wanaagsan ee ereybixinta af Soomaaliga iyo sidii maamulka iyo shaqaalaha hay’adaas loo siin lahaa tababbarro la xiriira dhanka hab dhigaalka af Soomaaliga, isagoo ka mahadnaqay booqashada AGA ee xarunta NIRA.

Guddoomiyaha Akadeemiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa Maareeyaha hay’adda la wadaagay talooyin lagu hormarin karo nidaamka diwaangalinta dadweynaha oo hadda si toos ah u socda.

Kulankaasi taariikhiga ahaa ayaa ku soo dhammaaday jawi aad u wanaagsan.