Kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa sidii Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda, loogu soo kordhin lahaa taqasus cusub oo la xiriira afka Soomaaliga, ayna ka qaybgaleen guddoonka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga iyo maamulka Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda ayaa maanta oo ku beegan 30/4/2025, waxa uu ka dhacay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa dhinaca Akademiya Goboleedka, waxaa uga qaybgalay guddoomiyaha AGA Macallin Saciid Saalax Axmed iyo  madaxda waaxyaha Naxwaha iyo Qaamuusaynta ee Akademiyada Barasare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof. Mustafa C/llaahi Fayruus, halka ay dhanka Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda ay uga qaybqaateen hormuudka Kulliyadda Luqadaha Dr. Maxamed Cali Cumar (Shiidow) iyo macallimiin ka tirsan isla Kulliyadaas.

Hormuudka Kulliyadda Luqadaha Dr. Shiidow ayaa ugu horreyntii halkaasi ku soo bandhigay qorshaha ay Kulliyadiisa ugu talaggashay furitaanka taqasuskaas, wuxuuna madaxda Akademiya Goboleedka la wadaagay manhajka loo dhigi doono ardayda soo codsata taqasuskaaas, isagoo caddeeyay in taqasuskaas uu ka kooban yahay Diploma sare iyo Master Degree.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax iyo mas’uuliyiintii kale ee ka socotay Akademiyada ayaa talooyin wax ku ool ah ku biiriyay hoggaanka Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda oo qorshaynaya furitaanka taqasuska af Soomaaliga.

Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda ayaa taqasusukaan ay furi doonto, waxaa u qayb ka noqonayaa taqasusyada kala duwan ee Kulliyadaas ay bxiso.