Kulan ay isugu yimaadeen madax ka kala socotay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, loogana hadlayay sidii iskaashi ay labadaasi hay’adood uga yeelan lahaayeen dhinacyada afka iyo culuumta bulshada ayaa 11/6/2025, waxa uu ka dhacay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho.
Kusimaha guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) oo kulankaasi ka hadlay ayaa ugu horreyntii xarunta dhexe ee Akademiyada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiintii ka socday Jaamacadda Ummadda, waxaana uu caddeeyay iskaashiga labada dhinac inuu wax weyn ka tari doono horumarinta dhinacyada waxbarashada, afka, dhaqanka, suugaanta iyo culuumta bulshada, isagoo tilmaamay inay Akademiyadu ka go’an tahay wada shaqaynta hay’adaha ay bahwadaagta yihiin ee ku hawlan waxbarashada iwm.
Hormuudka Kulliyadda Saxaafadda iyo Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada ay ku yimaadeen xarunta AGA, waxaana uu iftiimiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya AGA iyo Jaamacadda Ummadda, isagoo xusay tababbarro ay horey u wada qabteen Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda iyo Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).
Horey ayay Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga iyo Jaamacadda Ummadda u kala saxiixdeen heshiis is af garad oo ku saabsan sidii ay labada xarumood uga wada shaqeyn lahaayeen dhinacyada waxbarashada, afka iyo hal-abuurkiisa suugaaneed.