Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Barasare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Md Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa shalay oo ku beegneyd 2/10/2022, waxay si wadajir ah u daahfureen heshiis ay labada Akademiya isagakaashan doonaan cilmiyaynta iyo casriyaynta ereybixinta af Soomaaliga.
Guddoomiye Cabdalla iyo Guddoomiye Ismaaciil oo dareensan ahmiyadda ay leedahay in la helo ereybixin cusub oo casri ah, islamarkaana khusaysa laamaha kala duwan ee aqoonta ayaa magacaabay guddi iskudhaf ah oo ka kala socda labada Akademiya; guddigaas oo ka shaqayn doona horumarinta iyo taabbagalinta ereybixinta af Soomaaliga.
Labada Guddoomiye ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiga iskudhafka ah ee ereybixinta inay sida ugu dhaqsaha badan uga hawlgalaan gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday, oo ay ugu horrayso midaynta, casriyaynta iyo cilmiyaynta ereybixinta af Soomaaliga.
Kulankii koowaad oo ay yeeshaan guddiga iskudhafka ee labada dhinac ayaa shalay ka dhacay xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, iyadoo guddigu ay ballanqaadeen inay ka soo dhalaali doonaan hawsha loo xilsaaray ee ku saabsan midaynta, casriyaynta iyo cilmiyaynta ereybixinta af Soomaaliga.
Gunaanadkii kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye Ismaaciil oo iftiimiyay muhiimmadda ay ereybixintu u leedahay horumarinta af Soomaaliga, isagoo dhanka kale bogaadiyay, ugana mahadnaqay Guddoomiye Cabdalla Cumar Mansuur, dadaallada joogtada ah ee uu ugu jiro cilmibaarista af Soomaaliga iyo horumarintiisa.