Kulan aad qiimo badan oo ay isugu yimaadeen guddiyo ka kala socda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) & Akademiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta, loogana hadlayay u diyaargarowga xuska toddobaadka afka hooyo ayaa maanta oo ku beegan 18/1/2024, wuxuu ka dhacay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.

Kulankaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Baresare Cabdalla Cumar Mansuur ayaa si weyn waxaa loogu hadlay qaabka ugu habboon ee loo qaban karo xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo oo ku astaysan 21 Febraayo 2024.

Falanqeyn dheer kaddib, waxaa la isku afgartay magacaabista guddi hoosaadyo qaabilsan sidii ay munaasabadaas u qabsoomi laheyd.

Kulanka ay isugu yimaadeen labada Akademiya ayaa wuxuu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan.