Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa 26/7/2025, waxay tababbar ku saabsanaa “Midaynta Habdhigaalka Af Soomaaliga” u soo gabaggabaysay xubno ka socday Naadiga akhriska & qoraalka ee Ileys oo kamid ah naadiyada ka jira waddanka Soomaaliya.
Tababbarkan oo ka socday xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho ayaa macallin waxaa ka ahaa Kusimaha guddoomiyaha Akademiyada barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ahaa macallinkii bixinayay tababbarkaas.
Barasare Cabdalla Mansuur ayaa aqoon qiima badan la wadaagay xubnaha naadigaas, wuxuuna u faahfaahiyay muhiimmadda ay leedahay in la mideeyo habdhigaalka af Soomaaliga, isagoo kula dardaarmay dhallinyaradaas inay gaarsiiyaan aqoonta ay heleen walaalahooda kale ee aan fursadaas oo kale helin.
Guddoomiyaha naadiga Ileys Cali Maxamed C Soomaali oo gunaanaadkii tababbarkaas ka hadlay ayaa sheegay inay si weyn ugu mahadnaqayaan Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, gaar ahaan macallin Mansuur oo siiyay tababbarkaas.