Tababbar xirfadeed ku saabsan habka “qoridda qoraallada habboon iyo diyaarinta warbixinnada”, ayna ka qeybqaadanayaan hawlwaeennada xafiiska Xisaabiyaha Qaranka ayaa maanta oo ku beegan 9/9/2023, waxa uu si rasmi ah uga furmay xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo furitaankii tababbarkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tababbarkaasi ay Akademiyada u qabanayso hawlwadeennada xafiiska Xisaabiyaha Qaranka, waxaana uu iftiimiyay in tababbarkaan uu wax badan ka tari doono kor u qaadida aqoonta shaqaalahaas, isaga oo caddeeyay tababbarada noocaan kale ah inay Akademiyadu sii wadi doonto.
Xisaabiyaha Qaranka Md, Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo si rasmi ahu furey tababbarkaasi ayaa sheegay tababbarkaan inuu muhiim u yahay hawlawadeennada xafiiska Xisaabiyaha Qaranka, waxaana uu ku boorriyay halwaadeennada ka qeybgalaya tababbarkaasi inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan aqoonta ay halkaasi ku qaadan doonaan, isaga oo u mahadnaqay AGA oo tabababrkaasi qabanayso.
Madaxdaasi ka hor, waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha xafiiska Xisaabiyaha Qaranka Marwo Naciimo oo ka warbixisay dadaalkii uu xafiiska Xisaabiyaha u soo galay qabashada tababbarkaasi heerkiisu sarreeyo.
Intaasi kaddib, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay macallinkii bixinayay tababbarkaasi oo ah Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur, isaga ka qeybgalayaasha la wadaagay cashar ay aad u qiimo badan.
Tababbarkaasi oo socon doono 9-14 Sebtember 2023, ayaa waxaa ka faa’iidaysan doono in ku dhaw 30 xubnood ka socda xafiiska Xisaabiyaha Qaranka.

















