Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 10//4/2024, waxay ugu hambalyasay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fitriga, taasi oo maanta ay tahay maalintii koowaad ee dabaaldegga ciidaas.

War qoraal ah ka soo ka soo baxay xarunta dhexe ee AGA ayaa Alle looga baryey shucuubta Islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed inuu ka aqbalo Soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd oo ay soo guteen intii lagu guda jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan, iyada oo qoraalkaasi loogu rajeeyay in sannadkaan, kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo horumar.

Ugu dambayntii, warkaasi ayaa looga codsaday dadka Soomaaliyeed farxadda Ciidul Fitriga awgeed in uu qof kasta gacan ka geysto farxadgalinta dadka tabaaleysan.

Ciidda loo yaqaanno Ciidul Fitriga ayaa waxay ka mid tahay labada ciidood ee uu Alle siiyay ummadaha Islaamka ah.