Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), oo ah xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed ayaa qorshaynaysa inay si joogto ah u soo bandhigto cilmibaarsiyo fara badan oo laga sameeyay dhanka af Soomaaliga.
Guddoomiye sharafeedka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga(AGA), ahna madaxa Naxwaha ee Akademiyada barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka hadlayay gunaanadka aqoonwadaagii ku saabsanaa ”Codeynta Af Soomaaliga” ayaa daboolka ka qaaday inay Akademiya Goboleedka (AGA) ay joogtayn doonto soo bandhigidda cilmibaarisyo isdaba joog ah oo la xiriira dhanka af Soomaaliga.
Ballanqaadka barasare Cabdalla Mansuur ayaa ka dambeeyay kaddib markii ay qaar ka mid ah xubnihii ka qaybgalay aqoonwadaagii “Codeynta Af Soomaaliga” ay soo jeediyeen in la joogteeyo soo bandhigidda daraasadaha ku saabsan dhinaca af Soomaaliga.
Aqoonwadaagii “Codeynta Af Soomaaliga ee la qabtay 25/8/2025 ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ku dhaw kontameeyo xubnood oo isugu jiray aqoonyahanno & xeeldheerayaal ka kala socday Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta, naadiyada akhriska & qoraalka, qorayaal, abwaanno & arday wax ka barata jaamacadaha waddanka,
Cilmibaaristaas oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa soo jeedinayay xeeldheere afeed Cabdiwali Maxamed Shariifka oo ka mid ah aqoonyahannada xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.















