Mas’uul ka tirsan hawlwadeennada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa gaarsiiyay jaamacadda Gaarisa ee waddanka Kenya, qaar ka mid ah buugaagta ay soo saareen xeeldheerayaasha iyo qorayaasha Akademiya Goboleedka.
Qoraa Cabdulqaadir Cabdulle Diini oo ka tirsan waaxda Naxwaha ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa ku wareejiyay maamulka maktabadda jaamacadda Gaarisa, nuqullo ka mid ah buugaagta Akademiya Goboleedka, oo uu qorey cilmibaare Cabdulqaadir Diini, kuwaasi oo isugu jiray noocyo kala duwan.
Dhawaan ayaa isla jaamacadda Gaarisa, waxaa booqday xeeldheere Cabdinaasir Daa’uud (Cabdikaafi) oo ka mid ah aqoonyahannada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, isagoo halkaasi kulamo kula soo yeeshay madaxda jaamacadaas.